Kulankii ugu adkaa todobaadkan horyaalka Spain ee La Liga ayaa xalay ka dhacay garoonka kooxda Atletico Madrid.
Kulanka ayaa ku bilaawday dardar xoogan iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen kubado qurxoon balse qeybtii hore ayaa lagu kala nastay bar-baro 0-0 ah.
Ciyaarta ayaa in badan aheyd goolal la’aan ilaa ugu dmabeyn kubbadd Antoine Griezmann uu ka caawiyay Diego Costa uusan hogaanka ugu dhiibin kooxdiisa Atletico daqiiqadii 77-aad taa oo aheyd geeska laad ama koorno.
Kooxda martida loo ahaa ayaa u muuqatay mid xaqiijin kartay guusha kulanka, laakiin kubbadd uu Lionel Messi u dhigay Dembele dhanka dibid ee goolka Atletico ayaa si wacan u xakameeyay kubbadda ka hor inta uusan dhaafin goolhayaha Jan Oblak.
Natiijada kulanka ayaa ka dhigtay in Barcelona ay weli tahay hogaamiyaasha horyaalka halka La Liga halka Atletico ay ku jirto booska labaad.
Blaugrana ayaa guul la’aan ah labadii kulan ee u dambeysay balse waxay hogaanka ku hayaan dhibic kaliya.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…