Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka kooxda Monaco.

Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Monaco ilaa June 2021.

41 jirkaan reer France, oo ahaa tababare ku xigeenka xulka Belgium, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Monaco wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Ligue 1 1997.

Kooxda Monaco ayaa kaalmaha ugu hooseya uga jirta horyaalka Ligue 1, waxaana tababare Leonardo Jardim laga ceyriyay Khamiistii.

“Waxa ay u egtahay qadar in aan bilaabi doono mustaqbalkeyga maareynta,” ayuu yiri Henry, oo ah gooldhaliyaha Arsenal ugu sareeya.

Ciyaaryahankii hore ee Juventus, Barcelona iyo kooxda New York Red Bulls ayaa lala xiriiriyay Aston Villa isbuucyadii dhowaa, waxaana uu sheegay inuu helay dalabyo soo jiitay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

“Monaco mar walba waxay ku dhowdahay wadnahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in lay siiyo fursadan, lakiin haatan shaqadu waa inay bilaabataa.”

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

46 mins ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

3 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

4 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

11 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

11 hours ago