Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.
“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay sugaanyahannada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, maadaama suugaantu ay wacyi gelin iyo dhaxal reebba u tahay shacabka.
Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda.
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…