Shirkaan oo ka dhacay Magaalada kismaayo waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana ka qaybgalay Saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka, Maamulka Jubbaland iyo AMISOM.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa laga dhageystay qorshaha shirka iyo warbixinta amniga Deegaanada Jubbaland iyo waxa laga yeelayo Deegaanada ka Maqan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in sanadkaan Deegaanada Ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin Amni ahaan uu wanaagsan yahay, ciidamadane Al-Shabaab ay kala qabsadeen deegaano dhowr ah.
Taliyaaha Labaad, Saddexaad iyo Lixaad ee Howlgalka AMISOM ayaa dhankooda laga dhageystay sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo Jubbaland isugu jira iyo qorshaha sanadka cusub 2019-ka.
Bilowga sanadka 2019 ayaa la isla meel dhigay in la sameeyo hawlgallo lagu furayo isku socodka gaadiidka iyo dadka degmooyinka Kismaayo iyo Jammaamme, iyo sidoo kale isku furka wadooyinka Degmooyinka Af-Madoow iyo Kismaayo.
Dhammaan deeganada ka maqan gacanta Jubbaland ayaa la isla meel dhigay in laga saaro Al-Shababa iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka AMISOM kuwa Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala Jubbaland.
La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland General Gen: Cabdi Mahdi Cabdisalaam ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka Al-Shabaab uu u baahan yahay qorshe wadajir ah oo la iska kaashado.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…