Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Ammanka.
Saraakiisha iyo Taliyaasha Ciidamada Boliiska ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ka qayb galay kulanka ayaa Madaxweyne Xaaf siiyay warbixin guud oo ku saabsan Ammaanka iyo sida ay Ciidamada ugu howlgalaan.
Xaaf ayay u gudbiyeen Saraakiisha Xaaladda Nololeed sida Mushaarka iyo Hubka ay ku howlgalaan Ciidamada Galmudug.
Taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug, Taliyaasha Booliiska Degmooyinka Galmudug iyo xubnaha ka horeeyo oo kulanka joogay ayaa la faray in Feejignaan Amni Ciidamada la geliyo.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa u sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmarto Saldhigyada Degmooyinka iyo Magaalooyinka ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa saraakiisha Ciidamada Cadaadis saaray wixii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo Al-Shabaab ay ku weerareen Xarun uu lahaa Cabdiwali Sh.Cilmi iyo Xirtiisa.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…