Gelinkii dambe ee maanta waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada.
Waxyaabaha looga hadlayay waxaa kamid ahaa in dib loosoo celiyo fadhiyada Golaha Shacabka oo 4-tii kulan ugu dambeeyay baaqday.
Sidoo kale in Khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka la horgeeyo fadhiga guud ee Golaha si ay ugu go’aan gaaraan sida uu Xeer hoosaadka dhigayo.
Gudoomiye Mursal ayaa Habdhowrka iyo Guddiyada Joogtada ka dalbaday in dib loosoo celiyo fadhiyada Golaha Shacabka, lagana bilaabo berri.
Berri waxaa loo ballansan yahay Aqrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka oo ay isku raaceen Guddiga Joogtada.
Warar hoose oo Mustaqbal heleyso waxa ay sheegayaan in kulanka uu ku jiro ka go’aan gaarista kala dirista Guddiga Maaliyadda iyo Xalinta Khilaafka ka dhex jira Guddigaas iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.
Go’aanka ugu dambeeya ee Muranka ayaa la filayaa in uu soo baxo kolka Xildhibaanada la horgeeyo oo ay ku kala aragti duwan yihiin.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…