GUDAHA/wararka

Sacuudiga oo laga cabsi qabo inuu dil ku fuliyo in ka badan 50 ruux oo ay ku jiraan Soomaali

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in boqortooyada Sacuudiga ay dhowaan fuliso xukunno dil ah oo lagu riday ku dhowaad 50 maxbuus Afrikaan ah, oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Warar laga helayo gudaha xabsiga Najran oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel u dhow xuduudka dalka Yemen, ayaa muujinaya in maxaabiistan oo u badan dad kasoo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya ay heleen digniino rasmi ah oo sheegaya in dilkooda la fulin doono maalmaha soo socda.

Eedeymaha loo haysto waxay inta badan la xiriira dambiyo ka ganacsiga daroogada, taasi  ciqaab dil ah sida uu dhigayo sharciga Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ah sida Amnesty International ayaa walaac weyn ka muujiyay dhacdadan, iyaga oo sheegay in Sacuudiga uu horey u fuliyay xukunka toogashada tobanaan ruux intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025.

Dowladaha Afrikaan ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa hadda cadaadis saaraya Sacuudiga si uu u joojiyo dilalkan, waxayna codsadeen in si cadaalad ah loo qiimeeyo kiisaska, islamarkaana aan lagu xukumin dad ajnabi ah xeerar adag iyada oo aan helin difaac sharci oo dhab ah.

Arrintan ayaa walaac gaar ah ku haysa qoysaska Soomaalida ee la rumeysan yahay in eheladoodu ka mid yihiin dadka xukunka dilka ah sugaya, iyadoo aan weli laga helin war cad oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

7 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

8 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

10 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

10 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

13 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

24 hours ago