Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa ku heshiiyay in ay is dhaafsadaan xidigo muhiim u ah laba kooxood.
Wargeyska Marca ayaa warinaya in camaaliqada reer Spain lagu wado inay Gareth Bale u bandhigto Chelsea si ay qeyb uga dhigto heshiiska ay kaga dooneyso laacibka reer Belgium.
Hazard ayaa kal ciyaareedkan ku bilawday si aan caadi ahayn oo wuxuu hogaaminayaa gool dhalinta Premier League isagoona qeyb wayn ka qaatay guulaha kooxdiisa Chelsea oo ilaa iminka laga adkaan horyaalka.
Inkastuu Hazard sheegay inuusan Chelsea ka tageyn bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayuu misane qiray inuu ku riyoodo ku biirista Real Madrid.
Los Blancos ayaa dooneysa in heshiiska ay ku dooneyso Hazard ay qeyb uga dhigto laacibka reer Wales si ay u macaaneyso Dalabkeeda.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…