Somali laga keenay Eritrea oo soo gaaray Muqdisho,Sawirro

Magaalada Muqdisho waxaa saaka soo gaaray 56 Qof oo Soomaali ah,kuwaas oo ahaa Tahriibayaal laga soo celiyay Dalka Eritrea.

Dadkan ayaa laga soo qaaday Xerada Qaxootiga Shakarab ee Dalka Eritrea iyo sohdinta Dalka Suudaan oo la wadaago Dalka Eritrea.

Ergeyga arrimaha Tahriibayaasha ee Madaxweynaha Soomaaliya Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in howlgalka bad baadinta Tahriibayaasha maanta lagu soo celiyay 56 Qof oo iisugu jira wiilal iyo Gabdho.

Soo celinta Dadkan waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’addda IOM ee socdaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka u badan dhallinyarada ee ku dacayan daafaha Caalamka.

Dhowr jeer oo hore ayaa dalka lagu soo celiyay muwaaddiniin laga kala keenay Liibiya,Hindiya iyo waddamo kale.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago