GUDAHA/wararka

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba oo iscasilaya

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan Shigeru Ishiba ayaa la sheegay in uu qorsheynayo iscasilaad si uu u badbaadiyo mustaqbalka Xisbigiisa ee LDP sida ay baahisay Warbaahinta NHK, waxa uu beeniyay in qorshahaan uu ka dhashay cadaadis ka yimid guuldarradii Doorashada.

Tan iyo Bishii Oktoobar, waxa uu Ra’iisul Wasaare Shigeru qaadayay tallaabooyin uu ku muujinayo awoodda Xisbigiisa balse markii dambe waxaa la dhadhansiiyay guuldarro taariikhi ah oo ilaa haatan aad loo hadal hayo.

Waxyaabaha inta badan loo tiirinayo guuldarrada siyaasadeed uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Shigeru Ishiba waxaa qayb ka ah canshuurta Madaxweynaha Maraykanka uu dulsaaray gaadiidka waddankaas lagu sameeyo ee Dalkiisa loo iib geeyo.

Shigeru Ishiba oo ah 68 sano jir ayaa xilkaan la wareegay 1dii Oktoobar sanadkii hore 2024,  waa hoggaamiyaha Xisbiga Talada Japan haya ee LDP, siyaasadda muddo dheer ayuu ku jiray isaga oo dareemaya culayska xooggan ee saaran.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

5 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

6 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

8 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

9 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

11 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

22 hours ago