Wafdi sare oo ka tirsan Ciidanka Masar oo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa gudaha dalka ayaa soo gaba gabeeyay xog aruurin ay wadeen, iyagoo tagey qaar kamid ah goobaha la geyn doono Ciidanka dalkaasi ee qeybta ka noqon doona Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AUSSOM.
Xubnaha Saraakiisha waxaa ay booqdeen magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Buurane, iyo saldhigga ciidamada cirka ee Balli-doogle, halkaas oo ciidanka Masar ee ku biiraya howlgalka AUSSOM ay ku sugnaan doonaan.
Saraakiisha Masaarada ayaa kormeeray Saldhigyada magaalooyinkaasi, si ay u ogaadaan nolosha ka jirta iyo sida Ciidanka ula qabsan lahaayeen Cimilada iyo dabeecada.
Ciidamada ayaa qeyb ka noqon doono howlgalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, iyagoo taageeri doono Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sagootiyay wafdigaasi Masaarida ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka dalkaasi, kaalinta ay ka qaadanayaan dagaalka AS.
Saraakiisha sare ee Masaarida ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, iyagoo la kulmay Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…