Kulan ay Magaalada Newyork ku yeesheen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayey kaga hadleen amniga badaha Soomaaliya iyo waxa looga hortagi karo Burcad Badeedda iyo Kalluumeysiga sharci darrada ah.
Kulanka ayey Golaha amaanka ku meel mariyeen in Ciidamada Caalamiga ah ee jooga biyaha Soomaaliya ay muddo 12 bilood oo kale ah ka sii shaqeeyaan.
Waxaana loo fasaxay in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Soomaalida ee Maraakiibta ku weerara Biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
DHinaca kale Golaga Amaanka ayaa kulankay ku yeesheen Newyork waxaa ay Golaha shacabka Soomaaliya uga codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan Xeerka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.
Golaha ayaa sidoo kale codsaday in xeerarkaas ay muhiim tahay in lagu daro la xisaabtanka kuwa dambiyada,Burcadnimada Hubeysan iyo qalaalasaha ka wada biyaha Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay dhexdooda waa 15ka xubnood ee Golaha amaanka isku boorriyeen in dowladda Soomaaliya laga taageero amaanka badda lagana shaqeeyo nidaamka iyo sharciga Badaha.
Dhinaca kale Golaha amaanka ayaa bogaadiyay Dowladda Seychelles oo sameysay Maxkamad u gaara ah Burcad Badeedda,waxaa kale oo uu golaha ka codsaday Waddamada deriska ah iyo Hay’adaha ay u fududdahay in ay ka howlgalaan Soomaaliya in ay Maraakiib dagaal u diraan Biyaha Soomaaliya si loola dagaallamo Burcad Badeedda iyo Dambiyada ay geystaan dadka sharci darrada ku ganacsada sida Hubka sharci darrada kaga gudba biyaha Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…