DIBADDA/Wararka

Maxaa sababay carada shacabka Nepal?

Kumanaan dhalinyaro ah oo ka careysnaa musuqmaasuqa, eexda iyo xannibaadda baraha bulshada ayaa bannaanbaxyo isbadal sababay ka dhigay dalka Nepal.

Kacdoonkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof, dhaawaca boqollaal kale, iyo burbur hantiyeed oo soo gaarey magaalooyinka waaweyn sida Kathmandu.

Dhalinyaradu waxay ka cabanayeen musuqmaasuq baahsan iyo shaqo la’aan, iyadoo fursadaha dhaqaale iyo shaqo ee gudaha dalka ay aad u xaddidan yihiin.

Baraha Bulshada waxaa lagu arkay Madaxdii dowladda oo la garaacayo, ayna eryanayaan dhalinyarro carreysan. Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi Khadga Prasad Oli ayaa ku qasbanaaday inuu is casilo.

Mudaharaadayaashu waxay gubeen dhismayaal dowladeed, iyadoo milatariga Nepal uu qaaday uu isku dayay inuu xakameeyo balse ‘taladii ayaa faraha ka baxday’

Dibadbaxyadani waxay muujinayaan awoodda dhalinyarada ee isbeddelka, waxayna tusaale u yihiin sida cadaalad darro iyo musuqmaasuq ay u horseedi karaan kacdoon.

In ka badan 13 kun oo dad ku xirnaa Xabsiyada dalka Nepal ayaa baxsaday, kuwaasi oo ku eedeysana dambiyo kala duwan.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

1 hour ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

1 hour ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago