GUDAHA/wararka

Booliiska gobolka Mudug oo soo qabtay nin dilay Xaaskiisa

Ciidanka Booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan, oo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa, Samsam Maxamed Xaashi, kadib muran qoys oo dhex maray.

Taliska Booliiska gobolka Mudug ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha magaalada Goldogob, isla markaana ciidamada booliiska ay si dhaqso ah uga jawaabeen dhacdada, taas oo horseeday in lagu guuleysto qabashada eedeysanaha.

Sida uu sheegay Taliska, ninka la qabtay ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska degmada, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loola tiigsado.

“Ciidanka Booliska Gobalka mudug gaar ahaan Saldhigga Booliska -degmada goldogob ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa

Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Haweeneyda la dilay ee Samsam ayaa heysatay toddobo carruur ah oo ay u dhashay ninka toogtay.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

11 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

13 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

21 hours ago