WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

11 September: weerarka saameeyay dalal ay kamid tahay Soomaaliya

Maanta waxaa laga joogaa 24 sano weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 lagu bartilmaameedsaday magaalooyinka New York iyo Washington D.C., kuna dhinteen in ka badan 3,000 qof, iyadoo dhaawacyaduna ay gaareen kumannaan kale.

Weerarrada oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Qaacida, ayaa lagu burburiyey xaruntii ganacsiga caalamiga ah ee World Trade Center iyo dhismaha Pentagon.

Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah weerarrada ugu saameynta weynaa ee taariikhda casriga, taasi oo bedeshay siyaasadda iyo amniga caalamka.

Kadib weerarkii 11-ka Sebtembar, Mareykanka wuxuu qaaday dagaallo ka dhan ah Al-qaacida iyo kooxaha kale, isagoo ku duulay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyey amniga Mareykanka, gaar ahaan safarka iyo socdaalka, taas oo saamayn ku yeelatay dadka caalamka oo dhan.

Sidee weerarkaasi u saameeyay Soomaaliya?

Weerarradii 11-ka Sebtembar waxay si gaar ah u saameeyeen Soomaaliya, oo xilligaas ku jirtay xaalad dagaal sokeeye iyo dowlad la’aan.

Mareykanka iyo beesha caalamka waxay Soomaaliya ku tilmaameen meel nugul Al-qaacida iyo kooxaha kale, taasoo keentay in la kordhiyo cadaadiska iyo cunaqabataynta la saarayo dalka.

2006-dii, markii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ay awood yeesheen, waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida, tillaabadaasi oo sababtay in Mareykanka il gooni ah u yeesho Xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa xigay soo ifbixii AS oo ah urur hoos yimaada Al-qaacida, iyadoo Mareykanka la galay dagaal la aaminsan yahay inuu salka ku hayo natiijooyinka weerarkii 11 September.

Soomaaliya ayaa noqotay goob Mareykanka iyo saaxiibbadiisa si toos ah uga dagaalamaan, iyagoo fulinaya weerarro cirka ah, tababaro ciidan iyo taageero dhaqaale siinaya Ciidanka Amniga si ay ula dagaalamaan AS.

Maanta, in kasta oo Soomaaliya ay sidii hore ka deggan tahay, haddana waxaa muuqata saameynta dagaalka Sokeeye iyo dhaqdhaaqyada ay Ururada kala duwan ka wadaan gudaha dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

1 hour ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

1 hour ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago