GUDAHA/wararka

Khilaaf soo kala dhex galay Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya iyo Tansaaniya

Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tansaaniya ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya oo la xiriira ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan safar ku tagey dalka DRC Congo.

Ganacstada oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, si ay u sahmiyaan fursamo maalgashi oo lagu sameynayo dahabka iyo macdanta.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo sidoo kale mas’uuliyadda Soomaaliya uga wakiil ah dalka Congo ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ku cambaareysay safarkaasi, iyadoo sheegtay inaan wax ogeysiis ah laga siin.

Waxay ku tilmaantay tallaabadaasi jebin ku ah xeerarka diblomaasiyadda iyo nidaamka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu yiri:

“Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxay hoos timaaddaa mas’uuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka la eego ilaalinta danaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Socdaalka lagu sheegay inuu hoggaaminayay Safiirka Kenya, oo ay la socdeen ganacsato Soomaaliyeed iyo Kenyan ah, laguma wargelin safaaradda Soomaaliya. Sidaasi darteed, waxa loo arkaa jebinta xeerarka diblomaasiyadeed iyo shuruucda Wasaaradda Arrimaha Dibadda.” 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, mana cadda in tallaabo anshaxeed laga qaadi doono dhinacyada ku lugta leh.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago