GUDAHA/wararka

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada iyo baasaboorkii dalka Kenya.

Shir jaraa’id oo uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka ku qabtay gudaha Safaaradda Kenya ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay jiraan duruufo soo cusboonaday oo sababay inuu iska celiyo Baasaboorka Kenya.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in hadda uu ku kalsoonyahay Baasaboorka Soomaaliga ah, isagoo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Qofkasta oo Soomaali waxaan ugu baaqayaa inuu iska celiyo Baasaboorada dalalka kale oo uu ku kalsoonaado midka dalkiisa” ayuu yiri Jibriil.

Hadalka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa soo aadaya xilli dhawaan laga soo celiyay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya, isagoo wata Baasaboorka dalkaasi.

Weli Dowladda Kenya kama hadlin dhacdada lagu soo celiyay Ra’iiusl wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Abshir Bukhaari.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

28 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

40 mins ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

8 hours ago