GUDAHA/wararka

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed, si ay isku dhaafsadaan Maxaabiista.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay Madaxda Waqooyi Galbeed in ay aqbalaan xaqiiqada iyo dowlad goboleedka laga aas aasey magaalada Laascaanood ee Waqooyi Bari.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa adkeeyay in dowladda Federaalka fududeyn doonto sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen Maamulada dariska ah ee Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed.

Dhinaca Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Madaxda Dhaqanka ee kala deggan labada maamul, isagoo ku baaqay in ay qaataan doorkooda hooggaamineed.

Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli sannadkii koowaad uu jirsaday Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo kamid ah maamulada ay aqoonsantahay Dowladda Federaalka, isla markaas aas aaskiisa soo billaawday sannadkii 2023.

Muddo dheer waxaa soo socday dadaallo lagu wada hadashiinayo Mas’uuliyiinta Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari oo dagaalo dhexmaray ku kala qabsaday Maxaabiis.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

1 hour ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

3 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

9 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

9 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

11 hours ago