Charlie Kirk, oo ahaa aasaasaha iyo madaxa ururka siyaasadeed ee Turning Point USA, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Utah Valley University.
Toogashadu ayaa dhacday intii uu Kirk ku guda jiray ololihiisa lagu magacaabo “American Comeback Tour.” Rasaas qoorta kaga dhacday ayaa ugu dambayn sababtay geeridiisa.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa argagax weyn ku abuurtay taageerayaasha Kirk iyo siyaasiyiinta muxaafidka ah ee Maraykanka.
Kirk wuxuu caan ku ahaa khudbado iyo dooddo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay. Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya isaga oo si cad u diidaya jiritaanka “Falastiin.”
Hadalladan ayaa horseeday dhaleeceyn ballaaran oo uga timid taageerayaasha qadiyadda Falastiin iyo bulshada caalamka, kuwaas oo ku eedeeyay in uu ka soo horjeedo xuquuqda dadka reer Falastiin.
Madaxweynaha Maraykanka iyo hoggaamiyeyaal kale ayaa cambaareeyay toogashada ninkaan, iyagoo ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo degdeg ah.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…