Mareykanka oo beeniyay in uu hakinayo duqeynta ka dhanka ah Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay war ay baahiyeen warbaahinta qaar laga soo xigtay saraakiil hore oo ka tirsanaa Pentagon-ka Mareykanka.

Afhayeenadda Wasaaradda difaaca Mareykanka sidoo kalena ah taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Candice Tresch, ayaa beenisay wararka ay baahinayaan warbaahinta qaar.

Waxaa ay sheegtay in aysan jirin wax cusub oo isbeddel dhinaca siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahan,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Warbaahinta NBC News , ayaa baahiyay in Mareykanka uu dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya sidoo kalena hoos u dhigayo tirada duqeynta ah.

Qoraalka ka ka soo baxay Waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sanadkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa 47 Weerar oo dhinaca cirka ah ka geystay Soomaaliya kaligeed,waxaaan iidamadiisa jooga Soomaaliya uu tiradooda gaarsiiyay 500 oo Askari.

Mareyakanka  ayaa sheegay in dagaalyahannada AL-shabaab ay tiro ahaan u dhaxeeyaan 3,000 ilaa 7,000 oo qof halka Daacish ay u dhaxeeyaa 70 ilaa 250 Qodf.

Mustaqbal media

Recent Posts

Midowga Afrika oo ballan-qaaday in Mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu…

4 hours ago

Dowladda Sweden oo sheegtay in qeyb ka qaadaneyso Cariyeynta Xabsiyada Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…

6 hours ago

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

11 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

11 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

11 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

12 hours ago