Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu wareejiyo Ciidamada Amniga ee Dowladda Federaalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa manta magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Kulankan ayaa looga hadlay hirgelinta waajibaadka loo igmaday howlgalka AUSSOM iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Soomaaliya.
Guddoomiye Maxamuud Cali ayaa ku bogaadiyay ciidamada ka socda dalalka Afrika doorkii naf-hurnimada lahaa ee ay ka soo qaateen nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii. Wuxuu xusay in howlgalku uu hadda marayo loo diyaarinayo sidii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay sibuuxda ula wareegi lahaayeen ammaanka dalkooda.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan Soomaaliya ay tahay mid joogto ah, ilaa laga gaarayo nabad waarta iyo isku-fillaansho amni.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Mareykanka dhaqaalihii ka joojiyay howlgalka AUSSOM, iyadoo la qorsheynayo in ay si tartartiib ah in ay dalka kaga baxaan.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…