Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada dib-u-habaynta loogu sameynayo xabsiyada Soomaaliya.
Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Hans Lundquist, ayaa magaalada Nairobi ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo garsoorka.
Danjire Lundquist ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay sii wadiddo taageerada ay siiso Ciidanka Asluubta, gaar ahaan mashaariicda lagu hagaajinayo xaaladda nololeed ee xabsiyada dhexdiisa.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in isbeddelladan la doonayo in lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, si maxbuus kasta uu u helo xuquuqda uu sharcigu u dammaanad qaaday.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden garab istaagga joogtada ah.
Waxa uu xusay in qorshahooda ugu weyn uu yahay in xabsiyada Soomaaliya laga dhigo goobo dhaqan-celin oo leh adeegyo dhammaystiran, iyadoo la kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.
Soomaaliya iyo Sweden ayaa leh xiriir dhow oo diblumaasiyadeed, kaasi oo la xiriira dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…