Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay ku eedeysay in Garoomada Diyaaradaha iyo dhulka maamulkaas loo adeegsado ciidamo ay ku sheegtay in ay caqabad ku yihiin maamulkooda.
Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Axmed Xayle oo la hadlay BBC SOMALI ayaa beeniyay jiritaanka warkaas isaga oo xusay in labada maamul goboleed uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.
Xayle ayaa shaaciyay in aanay jirin sabab keeni karta in dad dhibaato ku ah Maamulka Puntland ay dhankooda marin u noqdaan, waxa uu usoo jeediyay Xukuumadda Deni in ay xal u raadiso arrimaha ka dhex jira deegaannada maamulkaas.
Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xaaladda ka dhex jirta deegaannada Maamulka Puntland dusha laga saaro Dowlad-Goboleedyada kale ee xadka la wadaago iyada oo la iska indhatirayo kacdoonkaas gudaha ka socda sida uu hadalka u dhigay.
“Galmudug ma ahan meel looga duullo Puntland, mana jirto howshaas ee eedda ah ee warqadda aan ku aragnay, Muddooyinkii dambe waxaa ka dhex jiray is qabqabsi dadka deegaanka ah oo kacsan, marweliba wax dhexdeeda ah in lagu soo riixo maamul Goboleedyada kale ee waa in arrimaha dhexdheeda Xalisato”. Sida uu yiri Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Axmed Xayle
Dhowaan waxa uu Maamulka Puntland uu eedeyn u jeediyay Dowlad-Goboleedka Galmudug iyada oo tan iyo xiligaas la sugayay jawaabka ka imaanaysa dhinaca eedeynta la saaray oo ugu dambayn iska fogeeyay jiritaanka eeddaas.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…