War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada Midowga Afrika ee dalka jooga inay waddanka sii joogaan isla markaana ay sii wadaan AUSSOM sida bayaanka lagu xusay.
Golaha Mustaqbalka ayaa codsigaan sabab uga dhigay xaaladda Dalka ee dhinaca siyaasadda, Doorashooyinka iyo Amniga isaga oo tilmaamay in dalalkaas soo diray ciidamada Midowga Afrika ay ka codsanayaan inaysan la bixin askartooda.
Inkasta oo aanay miiska saarnayn qorshe lagu saarayo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan tan iyo sannadkii 2007 balse waxaa socda kulamo looga hadlayo Mustaqbalkooda iyo culayska dhinaca dhaqaalaha ah ee soo kordhay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgashay kulamo khubarro ciidan ay ku kala yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa halka 31ka Bishaan ay ku casuuman tahay shirka ka dhacaya Kampala ee isla ajandahaan looga hadlayo.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…