GUDAHA/wararka

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxaana warkaas uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo sal iyo raad tona lahayn sida hadalka loo dhigay.

Guinea-Bissau ayaa meesha ka saartay in uu jiro hannaan siyaasadeed oo ku jiidaya in ay qaadato go’aankaas xadgudubka ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyada oo ka digtay faafitan wararka been abuurka ah.

Waxa ay shaacisay in ay ixtiraamayso nidaamka caalamiga ah ee dal weliba ka difaacaya faragelin in lagu sameeyo, iyada oo Dowladda Guinea-Bissau ay xustay in ay taageersan tahay Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururro kale iyo Dalal badan ayaa kahor yimid tallaabadii Israa’iil ee ka dhanka ahayd Midnimada Soomaaliya taasi oo ay qaadday December 2025.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago