Xiriiriyaha Wehsilowga ah & Raadiyaha!

 Raadiyuhu weli waa xiddigga ay dad badan ka helaan xogta maalinlaha ah iyo macluumaadka la xiriira waxa kadhacaya adduunka, sida ay shaacisay hay’adda QM Febraury- 2016, 44000 oo xarun Raadiye oo ka howlgasha adduunka oo dhan waxaa dhegeysta oo ay la hadlaan 5,000,000,000 (Shan Bilyan) oo qof ama qiyaastii 70% dadka kunool dunida
Hay’adda Waxbarashada, Sayniska & Dhaqanka ee QM ayaa ku baaqday in dadweynaha adduunku uu helo xorriyadda hadalka oo ka sarreysa inta hadda xorriyad ahaan la hadli karo, iyada oo Teknolajiyaddu ay tartan kula jirto Raadiyaha iskuna howshay in kaalinta Raadiyuhu yaraato ayaa haddana waxa ay UNESCO sheegtay in Raadiyuhu weli yahay isha koowaad ee xogta ay kahelaan dad aad u tiro badan oo ku nool dunida.
“Raadiyuhu weli waa warbaahinta ugu gaarista badan ee leh dhegeystayaasha ugu tirada badan adduunka” sidaas waxaa yiri UNESCO

Iyada oo la cuskanayo Qiyaasta hay’adda QM 44000 oo xarun Raadiye ayaa adduunka oo dhan waxa ay la hadlaan oo ay macluumaad gaarsiiyaan 5 Bilyan oo qof, taas oo kadhigan in 70% dadka kunool adduunku ay xogta kahelaan Raadiyaha.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada uu Raadiyuhu leeyahay dhegeystayaasha ugu badan islamraakana ay dhegeystayaal badan ka helaan xogta maalinlaha ah ee dadweynuhu u baahan yahay.

Tababarka Raadiyaha iyo sida loo Barnaamijyeeyo kusaabsan waxa uu kasocdaa Soomaaliya muddo kudhow 18 sano balse suxufiyiinta qaata tababarkaasi si dhab ah uma dhaqangeliyaan marka ay Raadiyaha wax ka baahinayaan ama ay wax u qorayaan.
Xiriirinta halkan hoose kuqoran waa midda ugu caansan ee ay adeegsadaan xiriiriyeyaasha iyo Jeediyeyaasha Barnaamijyada Raadiyaha ee Soomaaliya, qoraalka qaabkan ah ee Raadiyuhu ma laha wax saameyn ah oo dhegeystayaasha u hoggaamin kara in ay isbeddel sameeyaan.
Qoraalka xiriiriyaha wehsilowga ah ee Raadiyaha
Ku soo dhowaada barnaamijkeenii xiisaha lahaa ee aad habeen/maalin walba ka dhegeysataan Idaacadda hebla, marka laga reebo maalin hebla, Waxyaabaha aan idinkugu soo gudbin doono idinkuna aad ku dhegeysan doontaa waxaa kamid ah.
Meel kasta oo aad naga dhegeysaneysaan iyo si walba oo aad noo maqleysaan
Barnaamijka waxaa soosaaray aniga oo ah hebel, halkana waxaa idin kala socodsiinaya inta uu hawada ka baxayo isla aniga, ku soo dhawaaa meel kasta oo aad joogtaan iyo si walba oo aad noo maqashaan”
Waxa aan gudaha ugu jirnaa barnaamijka, waxa aan isla soo gaarnay gunaanadkii, waxa aan dhex-muquuraneynaa barnaamijka, waxa aan ku jeexjeexi doonaa hebel,
Waa saaxiibkiin hebel, waa habeen khamiis soo geleyso oo ay Arbaco sii baxeyso, taariikhduna ay ku beegan tahay intaas
Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa Canbaareeyey go’aanka dowladda, Barnaamijka ayaad ku maqli doontaan,!!
Hebel ayaa habel wareystay ” Ee Walaal waxa aan ka hadlayaa”!!!
Warka waxaa farsameynayey wiilkii faraha fududaa ee hebel
Markanna ku soo dhowaada hees macaan, hees ay idaacad heblo ugu talagashay dhegeystyaasheeda
Waxa aan barnaamijka kamarnayn kaalimihii Suugaanta,
markana waa dhanka Kaalimaha Suugaanta.
Waa barnaamijkeenii, waa barnaamijkiinii, barnaamijyadu iskuma jiraane waa barnaamijkii Barnaamijyada, waxa farsameynaya oo makiinadaha kala rogaya hebel,
Dhammaad
WQ: Axmed C. Guutaale
General Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago