Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo soo saaray habraaca doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray Habraaca doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la filayo in ay qabsoonto 8dda Bishan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Guddiga doorashada ayuu ku sheegay in ay noqonayaan 7 Xubnood,kuwaas oo kaalmeyn ka helaya ku simaha Xoghayaha iyo xogheynta guud.

Shuruudaha waxaa ka mid ah in Ragga u tartamaya Madaxweynaha laga qaado $20,000 oo doollar oo diiwaangelin ah iyo Madaxweyne ku xigeenka Ragga u tartamaya laga qaadayo $10,000 oo doollar.

Waxyaabaha reebban waxaa ka mid ah in qofka uusan isu sharrixi karin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa kale oo Musharrixiinta laga doonayaa in aysan Xuquuqdooda Muwaaddinnimo hakinin Maxkamad shantii sano ee la soo dhaafay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago