GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay garoon iyo dekad cusub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay garoon diyaaradeed oo cusub,  kaas oo laga dhisayo deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Garoonkan cusub ayaa la filayaa inuu bixiyo adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, taasoo qayb ka qaadanaysa horumarka Muqdisho.

Mashruucan ayaa  ka kooban xarun hawada sare ah oo loogu talagalay Geeska Afrika, deked caalami ah, wadooyin, isbitaallo, iyo adeegyo kale oo bulsho.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle,

Mashruucan ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay dhammaadka bisha Diseembar 2024, wuxuuna ujeedkiisu yahay in la xoojiyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gudaha dalka, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale iyo horumarka Soomaaliya.

Xarunta hawada sare ayaa la filayaa inay horumarin doonto tiknoolajiyadda iyo cilmi-baarista gobolka, halka garoonka uu fududeyn doono isu socodka duulimaadyada  gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

10 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

10 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

12 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

13 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

15 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

1 day ago