Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta hadal u jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka hadal jeedinta waxa uu ka dhacayaa dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaas oo la faray Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka iney isugu tagaan, si ay u dhageystaan khudbada madaxweyne Geelle.
Howlwadeenada baarlamaanka ayaa xalay fariin qoraaleed u diray Xildhibaanada oo ay ugu sheegayaan inuu jiro kulanka maanta, kaasoo aan eheyn mid lagu furayo Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, maadaama Xildhibaanada ay wali ku maqanyihiin fasixii ay galeen markii uu xirmay Kalfadhigii 4-aad.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Geele oo xalay ku hoyday Caasimada ayaa la filayaa sidoo kale inuu maanta xariga ka jaro dhismaha SafaaradaJabuuti ee dalkan oo la dhagax dhigay xiligii Caleema saarka madaxweyne Farmaajo sanadkii 2017.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…