Xildhibaanad Kenyaan ah oo loo xiray Aflagaaddo ay u geystay sarkaal Somali Kenyaan ah,Sawirro

Catherine Waruguru , oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya ayaa xabsiga la dhigay markii Baraha Bulshada lagu baahiyay iyada oo sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo Soomaali ah cusuriyad ku sameyneysa.

Xildhibaannada oo loo soo wado Gaariga Booliska si loo xiro.

Muuqaalka Baraha Bulshada ayaa muujinaya Haweeneyda oo aad ugu qeylineysa sarkaalka Booliska ah oo uu isaguna u dheg raaricinayo.

Hadallada laga qabtay ee ay tiri waxaa ka mid ah “halkan Kismaayo maaha, orodoo soo xiri xir Al-shabaab iyo burcadda, kana leexo dadka ganacsanaya”,waxaana muuqaalkaas uu aad u qabsaday baraha bulshada.

iyada oo la hadleysa sarkaalka Booliska ah oo lagu magacaabo Cabdi Cali.

Guddoomiyaha Xisbiga ay katirsantahay ee Narc Kenya party, Martha Karua, ayaa cambaareeysay hadalka ay Xildhibaannadda ku tiri sarkaalka Soomaali Kenyaanka ah ee ku jira Booliska Kenya.

Booliska ayaa sheegay in Xildhibaanadda Damiin lagu sii daayay,markii loo baahdana ay Booliska u yeeri karaan si loola xisaabtamo.

Web master

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

4 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

6 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

7 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

12 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

14 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

14 hours ago