Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya xalay casho sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda.

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Sabtidii shalay wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.

News Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago