Madaxweynaha Shiinaha oo Warqadaha Danjirinimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee China.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Magaalada Beijing ee dhalka China, Madaxweynaha Dalkaasi Xi Jinping waxa uu Warqadaha Aqoonsi Safiirnimo ka Gudoomay Danjire Cawaale Cali Kulane.

Kulan gaar ah oo ay labada dhinac wada yeesheen waxa ay kaga wada hadleen ka shaqeynta Xoojinta Xiriirka Labada Dal, Is dhex galka labada Shacab iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiina ayaa sheegay in Xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya uu soo hagaagayo, Safiir matalane uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka rajeeyay Danjire Cawaale in uu isku howlo sidii uu u dar-dar gelin lahaa Howlaha Shaqo Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Ambassador Cawaale Cali Kulane ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay Warqadaha uu ka gudoomay Madaxweyne Xi Jinping, waxa uu ballan qaaday isku xirka labada Dal iyo labada shacab.

Danjire Cawaale ayaa horay usoo noqday Safiirka Soomaaliya Dalka Sweden iyo wadamada la isku yiraahdo Scandinavian-ka.

Is dhexgalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayay u muuqataa in uu sii kordhayo, waxaana labada Dal ay isku kala dirsadeen Darjirayaal ka shaqeeya Isku xirkooda.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago