Xarakada AL-shababa ayaa sheegatay in shalay gelinkii dambe ay degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dadka Magaalada ayey sheegtay AL-shabaab in ay isugu so baxeen fagaaraha lagu dilayay Maxamed Cali Maxamed oo ay sheegeen in uu ku magac dheeraa Kartoon.
Kartoon ayey Al-shabaab ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda sidoo kalena wada shqeyn la lahaa Ciidamada AMISOM ee jooga Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ma jirto il ka badaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijisay dilka Ninkaasi iyo uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa todobaad ka hor degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose ku toogatay saddex qof oo labo ka mid ah ay Askar ku sheegeen halka midka kale uu ahaa Nabaddoon ka mid ahaa dadkii doortay Xildhibaannada Dowladda Federaalka ah.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…