Dagaal caawa ka dhacay Deegaanka Garasbaaley.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa la wareegay Xarunta Degmada.

Ibraahim Maxamed Rooble Gudoomiyaha Garasbaaley oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in dhankooda aan jirin Khasaare kasoo gaaray Dagaalka.

Ciidamada Xarunta ku sugnaa ayuu tilmaamay in ay iska caabiyeen Kooxdii weerarka ku qaatay, inkasta oo uu sheegay in aan kala garaneyn cidda ay ahayd.

Goobaha Ganacsiga ayaa mar qura la wada xiray, kadib markii rasaasta labada dhinac is qabsatay sida Mustaqbal Radio ay u sheegeen Dadka Deegaanka.

Gaadiidka Xaafadaha isaga kala gooshayay ayaa iyanne istaagay, inkastoo markii dambe ay dib u bilaabawdeen.

Ciidamada Ammaanka ayay wararku sheegayaan in ay bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan Weerarka.

Ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan Caawa lagu qaaday Xarunta Garasbaaley, maamulka ayaa sheegay in aysan aqoonsan cidda ay ahayd dhinaca weeraray.

La soco wixii warar ah ee kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago