Ciidamada Itoobiya oo la Wareegay Ammaanka Magaalada Baydhabo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta ammaanka Magaalada ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Ciidamada ayaa ku sugan Baraha laga galo Magaalada, Waddooyinka Muhiimka, Xarunta Doorashada la filayo in berri lagu qabto iyo goobaha ay u badan yihiin Musharixiinta.

Illo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamo kooban oo katirsan Booliiska Dowladda Federaalka dhowaan ay geystay Magaaladaasi iyo kuwo ku sugnaa Baydhabo ay la howlgalayaan.

Qaybo kamid ah Magaalada Ayaa caawa u muuqato mid bandow ah, inkastoo aan jirin cid kusoo rogtay, hadane waxa ay wararku sheegayaan in dadka ay xili hore ay xaroodeen, kadib markii ay arkeen Ciidamada itoobiya ee Magaalada isku fidinaya.

Si feejigan ayay u baarayaan Gawaarida Magaalada ku dhex socoto, waxaana soconaya kulamadii ugu dambeeyay ay wataan Musharixiinta oo berri u tartamaya Doorashada loo ballansan yahay.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa dhowaan sheegay in xubno katirsan Al-Shabaab ay gudaha Magaalada Baydhabo galeen, kadib markii Dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Magaalada.

Wixii xiligaas ka dambeeyay Ammaanka Magaalada ayaa sare loo qaaday, waxaana la xiray shaqsiyaad lagu eedeynayo in ay qayb ka ahaan Dibadbaxyadii Khamiistii iyo Jimcihii todobaadkii tagay ka dhacay Baydhabo, kaas oo ka dhashay Xarigga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta Koofur Galbeed.

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

49 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

56 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

1 hour ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago