Shir U dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka furmay.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay, shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlayay Siyaasadda, Amniga, Cadaaladda iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka waxaa kalo oo ka qayb galay xubno ka kala socday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo isla maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa shir gudoomiyay.

Dowladda Fedeerka waxaa laga dhageystay Warbixinta Siyaasadda Loo dhan yahay, Ammaanka, Cadaaladda iyo Arrimaha Bulshada.

Dhanka Beesha Caalamka ayaa iyanne talooyin ka dhiibtay Shirka oo ahaa Mid bishiiba mar la qabto, la isagana xog wareysto Afarta qodob ee Kor ku xusan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirka Diiradda lagu saaray: Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda, Arrimaha Bulshada , dhaqaalaha iyo hormarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli laheyd Kaalmo iyo Mashaariic kala duwan, si ay ugu soo kabato dhanka dhaqaalaha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

2 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

8 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

10 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago