Dowladda Mareykanka ayaa 2-dii Bishaan sheegtay in dib loo furay Safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale Hay’adda Kaalmadda Dibadda Mareykanka ee USAID ay Dalka ka shaqo bilaabi doonto.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun lacageed gaaraya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya u ka taageerayo:- Xasiloonida iyo Nabadda Soomaaliya, Gargaarka bani’aadanimada, Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah, Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka shaqo abuurka, Horumarinta dhaqaalaha iyo kaalmooyin kale.
War saxaafadeedka ka soo baxay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u qorsheeyeen Lacago iyo deeqo kala duwan sida:
Gargaarka Bani Aadamnida:-
Kaalmada Arrimaha bani’aadanimada oo ay ku ay ku bixin doonaan $420 million oo kamid ah $900 million oo ay u qorsheeyeen Gargaarka Soomaaliya.
Dhanka Shaqo abuurka:
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Muddo saddex sano ah ay shaqo u abuuri doonto in ka badan 1,600, si gaar ah waxa ay u sheegtay in ay u abuuri doonto Ganacsi.
Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay horay u abuureen shaqooyin kala u dhaxeeya 500 illaa 650, waxa ay tusaale usoo qaateen in Shirkadda Caanaha Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.
Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayay Dowladda Mareykanku sheegtey in la horumarin doono si shaqooyin badan halkaa ugu soo baxaan, loogana faaiideysto.
Geedi Socodka Deen Cafinta:
Waxaa ay sheegeen in ay xoogga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale, una hesho dhaqaale fiican.
Waxbarashada:
Kaalmada cusub Mareykanka ee Soomaaliya meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah, taageeridda Waxbarashada Dugsiyada sida kan sare oo loo faaiideynayo 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyo 20,000 oo ah Carruurta Dugsiyada Hoose ah oo 45% Gabdho ah.
Maamulka iyo Xasilinta Dalka:-
$110 Million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa Dhismaha Dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta Arrimaha garsoorka Dalka.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…