Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta soo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban 10 xubnood, kuwaasoo shaqadooda ay tahay iney baaris ku sameeyaan dilkii taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Hiiraan Maxamed Mocow Xalane.
Wareegto uu soo saaray madaxweynaha waxaa lagu sheegay in Guddigan ay la shaqeyn doonaan Guddiga kale ee madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay baarista qalalaasihii ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddigan, halka Kuxigeenna looga dhigay Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle.
Magaalada Beledweyn, waxaa maanta ka dhacay mar kale banaanbaxyo rabshado watay, iyadoo xalaada wali ay tahay mid cakiran walow dagaalo aaney jirin, waxaana Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed wali uu diidan yahay inuu xilka wareejiyo.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…