GUDAHA/wararka

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”

Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

Web master

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

11 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

13 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

21 hours ago