Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadleen muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed ee uu siiyo Soomaaliya si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka.
Wasiir Beyle ayaa Madaxweynaha Bangiga Aduunka uga warbixiyay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hanaanka Maaliyadda,isaga oo ugu baqay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
“Markii aan la kulmay madaxweynaha Bankiga, waxaan warbixin kooban ka siiyay horumarka Soomaaliya ee dib-u- habeynta, waxaana ku boorriyay inuu sii wado doorka muhiimka ah ee ku aadan hannaanka Qaran ee aan ugu jirno innaan ku gaarno deyn cafiska ayuu yiri Wasiir Beyle.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu ku faraxsanahay in madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, uu aqoonsaday dadaalka dib-u-habeynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Bangiga uu sii wadi doono taageeradiisa Soomaaliya.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…