Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle Ibraahim Maxamed Cali ayaa xalay xaaskiisa ku dilay magaaladaas.
Haweeneyda Geeriyootay ayaa lagu magacaabayay Jamiilo Sheekh Cali,waxaana ay ahayd 32 jir Uur lahayd.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar,waxaana dilka kaddib uu Maareeyuhu isudhiibay Booliiska, iyada oo Booliiska Jowhar xiray maareeye Ibraahim Maxamed Cali.
Madax katirsan Hirshabeelle oo ay saaxiibbo yihiin Ibraahim ayaa u sheegay Mustaqbal in dilka Jamiilo Sheekh Cali uu yimid kaddib muran kadhashay guurka xaas labaad oo uu dhisay maareeyuhu.
Ibraahim Maxamed Cali ayaa ka baxay jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka yaqaan Ibraahim ay u sheegeen Mustaqbal in uu ahaa nin deggan oo xilkas ah.
Mustaqbal Radio
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…