22, qof oo ku dhintay dagaal dhexmaray Oromo iyo Soomaali

Ugu yaraan 22  Qof ayaa geeriyooday halka ay 28 kale ku dhaawacmeen kaddib dagaal maalmihii la soo dhaafay dhexmarayay Oromada iyo Soomaalida.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay degaanka Tulli Guuleed lagu magacaabo halkaas oo uu ka dhashay khasaare baahsan.

Billowgii Bishan waxaa Maagaalada Mooyaale ku dhintay dad ka badan 20 qof oo labada dhinac ah kaddib dagaal dhemarayay muddo saddex maalmood oo xiriir ah.

Dagaalkaas ayaa waxaa lagu gubay Guryo,Iskuullo iyo Xafiisyada Dowladda waxaana markii dambe tahay Ciidanka Federaalka ah.

Soomaalida ayaa ku eedeynaya ismaamulka Oromada in ay wadaan dhul ballaarsi iyaga oo ka faa’ideysana awooddooda sare ee dowladda Federaalka ah.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay boqolaal qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay halka kumanaan ay ku barakaceen dagaallo dhexmarayay Oromada iyo Soomaalida,waxaana markii hore uu dagaalka ka billowday Ciidankii Liyuu Boolis ee Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida oo lagu eedeeyay in uu dhibaateyn jiray dadka Oromada ah.

Dagaallada hadda socda oo ay inta badan qaadaan Malleeshiyo Oromo ah ayaa la sheegayaa in ay ula jeedaan dhul ballaarsi iyo waxa lagu tilmaamay aargoosi.

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, iyo Dowlad Goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ayaa heshiis ku kala saxiixday maagalada Adis ababa kaas oo lagu doonayay in lagu joojiyo colaadda labada dhinac laakiin wali ma uusan dhaqan gelin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

3 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

7 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

7 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

8 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

8 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

9 hours ago