Kulan Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen mas’uuliyiinta amniga Jubbaland waxa ay kaga hadleen sugidda ammaanka deegaanada maamulkaas, gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo quseeya amniga, waxaana kamid ahaa in Sumad ama Taarko lagu xiro gawaarida Magaalada yaalla, sababo suurta galnimada weerar lagu fuliyo gawaarida aan sumadda lahayn.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo Hay’adaha kala duwan ee wata gawaarida aan Taarkada lahayn ayaa lagu faray in ay sumad ku dhajistaan Gawaaridooda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo aqriyay amarada amniga quseeya ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii kahor imaadda qodobada ay soo saareen.
Ciidamada ku howlan sugidda amniga ayaa la faray in ay u dhega-nuglaadaan dhaqangelinta qodobada ay soo saareen, iyaga oo Wasaaradda gaadiidka kala kaashanaya gawaarida ay ka shakiyaan.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa guddiga faray in ay sare u qaadaan amniga kahor inta aan la gaarin bisha Barakeysan ee Ramadaanka oo todobaadyo naga xigto
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…