Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka HIr-Shabeelle ayaa Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe ku eedeysay in ay ka meermeerayaan wax ka qabashada amni darada.
Waxa ay intaa ku dartay in ay isku mashquuliyaan isku shaandheynta iyo xil ka qaadista Mas’uuliyiinta Degmooyinka, balse xaaladda amni ee deegaanada Hir-Shabeelle ay sii xumaanayaan.
Xildhibaan Duniyo ayaa soo hadal qaaday in uu fuli la’ yahay mashruuc Dowladda Qadar ay ku dhiseyso Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo la gubayo gawaada qaadeysay qalabka dhismaha.
Waxa ay sheegtay in Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay mas’uuliyadda qayb ka qaadanayaan, maadaama ay ka gaabiyeen kala xisaabtanka Amniga sida ay hadalka u dhigtay.
Shacabka kunool Hir-Shabeelle ayay sheegtay in ay u baahan yihiin Amni iyo nolol wanaagsan, balse aan u baahneen isbadalo joogto ah oo mas’uuliyiinta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe iyo degmooyinka lagu sameeyo.
Xildhibaanada ayay ugu baaqday in ay u istaagaan wax ka qabashada caqabadaan oo ay ku tilmaamtay mid cuuryaamineyso horumarka Deegaanada Hir-Shabeelle.
Madaxda Dowladda Federaalka waxa ay ka dalbatay in si gaar ah indhaha ugu hayaan Xaaladda Amni ee Deegaanada Hir-Shabeelle, iyada oo soo jeedisay in hadii Mashruuca qadar uusan socon karin loo wareejiyo Maamulada kale ee awooda in ay ka faa’ideystaan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…