Hirshabelle oo bilowday diiwaangelinta Boolis cusub

Dowlad Goboleedka Hishabeelle ayaa billaabay diiwaangelinta Boolis cusub oo ku biiraya Boliska hadda jira ee Maamulkaasi.

Diiwangelinta iyo tababarka Booliska waxaa ka caawinaya Ciidamada AMISOM ee ku sugan Hirshabeelle,kuwaas oo labo bilood ka hor tababar siiyay qaar ka mid ah Booliska Maamulkaasi.

Tababarka iyo diiwaangilnta Ciidamadan oo gaaraya 200 Askari ayaa waxaa ka mid ah Haween waana markii ugu horreysay oo ay Haween ku biiraan Booliska cusub.

Bartilmaameedka tirada Booliska Maamulka Hirshabeelle  ayaa waxaa lagu sheegay 800 Askari,waxaana hadda la tababaray dufcaddii 1aad oo gaareysa 200 Askari iyada oo diiwaangelinta 200 kale ay hadda ka socoto degaannada Maamulkaas.

Hirshabeelle oo ah Maamulkii ugu dambeeyay dowlad Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa uu hadda ku jiraa dhismaha Booliska Maamulkaasi.

Web master

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago