Categories: CIYARAHA/GUDAHA

Kulankii shalay laga ciyaaray tartanka degmooyinka g,banaadir, iyo kuwa galabta la ciyaari doono.

Wali waxaa si xiiso leh garoomada kubadda cagta uga socdo tartanka kubadda cagta degmooyinka waxaa maanta  wada ciyaaray  Degmooyinka Xamar Wayne iyo Wadajir  oo kuwada Jira Group  D.

Labada  degmo ayaa soo bandhigay  ciyaar xirfadeedu saraysay  waxaana waqtigii loogu talo galay ay kusoo idlaatay 1-1

Xamar wayne oo goolka la hormartay waxaa  daqiiqadi 30 u saxiixay laacibka  No-11   Cabdiraxmaan  Maxamed Sahal,  halka goolka wadajir uu daqiiqadi 42  u saxiixay  Xiddiga no-5  Cabdiqani maxamed yuusuf.

Group D waxaa min  4 dhibcood ku horkacaya   wadajir iyo  Xamar Wayne,   Heliwaa ayaa  3 dhibcood fadhida halka  Cabdicasiis ay  ugu hooseyso ay  Eber    joogto.

Wadajir   iyo Heliwaa   ayaa kulanka u dambeeya Group-ka   Khamiista  6 September  ku yeelan  doona garoonka jaamacadaha ,waxaa isla khamiista garoonka Banaadir ku ballansan Xamar wayne iyo Cabdi Casiis.

Maanta oo Isniin ah waxaan  la ciyaari doona laba kulan  waxaana ballansan  degmooyinka  Yaaqshiid iyo Waaberi oo garoonka Jaamacadaha ku ciyaari doona iyo  Shangaani iyo dharkenley oo Garoonka Banaadir  foodda isku dari doona.

Kooxahan oo kujira Group A , waxay dhibcaha  u kala leeyihiin Waaberi  3 Kulan 7 dhibcood, Yaaqshiid 3 kulan 4 dhibcood, Dharkenley  2 kulan  3 dhibcood iyo Kaxda oo 2 kulan  Eber taagan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago