Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday afar qof oo midi tahay haweeney

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay  Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale ah;  Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa  Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado shaqada  uu ku haayay Al-shaba isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka  Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka  bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Al-shabab  sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab .

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada oo kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiiska  Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystaya Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago