GUDAHA/wararka

Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhexaadinaya kulanka ugu dambeeya Horyaalka Kuwait

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhexdhexaadinaya kulanka u dambeeya ee horyaalka Kuwait ee dhexmaraya Kuwait SC vs Al-Qadsia kaas oo dhacaya 29ka June 2026 sida uu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalkaas.

Cartan ayaa gaaray Dalka Kuwait waxaana loo sameeyay soo dhaweyn lagu dhiirragelinayo Garsoorahaan heerka Caalami ee u diiwaangashan Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA inkasta oo sannadkaan Dowladda Maraykanka kahor istaagtay Koobka Adduunka 2026.

Cumar Cartan ayaa sidoo kale 22ka Bisha August 2026 ku qoran dhexdhexaadinta kulanka UEFA SUPER LEAGUE ee u dhaxeeya Naadiyaasha PSG ee kusoo guulaystay Uefa Champions League & Aston Villa oo hanatay Koobka labaad ee Yurub ugu qaalisan dhinaca Naadiyada ee Uefa Europe League.

Madaxa ugu sarreeya ee FA-da Kuwait, Sheekh Ahmed Al-Yousef Al-Sabah iyo mas’uuliyiin kale oo bahda Ciyaaraha Dalkaas ah ayaa Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ku dhiirrageliyay in uu sii kordhiyo xirfaddiisa garsoorenimo maadaama uu yahay howlkal muuqda.

Cartan waa Garsooraha ugu fiican Qaaradda Afrika isaga oo ka guulaystay Garsooreyaal kasoo jeeda isla qaaraddaan, waxa uu kusoo baxay Liiska Garsooreyaasha loo xulay Koobka Adduunka 2026 balse Dowladda Maraykanka ayaa kahor istaagtay shaqadiisa in uu guto.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa oo Turkiga uga mahadceliyay dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dib u…

39 mins ago

Maxkamadda Culimada Puntland oo xukuntay Wiil la isku qabsaday

Culimadii loo xilsaaray Kiiska Maxamed oo ah Wiil 16 jir ah ayaa dhagaysi kaddib waxa…

3 hours ago

Nigeria oo ka digtay khatarta amni ee dalkeeda ku yeelan karo garaadka Macmalka ah ee AI

Dalka Nigeria oo ka mid ah Dalalka dhibaatooyinka Amni darro ay ka dhacaan, waxaa muddooyinkii…

4 hours ago

Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…

6 hours ago

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay in uu galay xaalad miir-dabool ah

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…

6 hours ago

Soomaali khasaare ka soo gaarey duqeymo ka dhacay xadka dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan

Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay…

17 hours ago