GUDAHA/wararka

Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si ay kaalin muuqata uga qaataan sugidda Amniga Dalka iyo in ay la wareegaan mas’uuliyadda nabadgalyada Dalkooda.

Turkiga ayaa sheegay in heshiiska kala dhaxeeya Soomaaliya uu dhigayo in ay tababar siiyaan oo qalabeeyaan Ciidamada Soomaaliyeed kuwaas oo isbaddel muuqda kusoo kordhiyay adkaynta Amniga Dalka sida ay ku warrantay Xukuumadda Ankara.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in sannadkaan 2026 la tababaray Ciidamo cusub iyo saraakiil kuwaas oo tababarkooda ku qaadday Gudaha Soomaaliya iyo Xeryaha Ciidanka Dalkaas ku yaalla.

Sannadka soo socda 2027 ayay Xukuumadda Ankara tilmaamtay in ay sii kordhin doonto tababarrada Ciidamada Soomaaliya iyada oo arrintaan sal looga dhigay iskaashiga iyo heshiiska ka dhaxeeya labada Dowladeed.

Turkiga waxa uu Soomaaliya u tababaray ciidamo isugu jira Kumaandoos kuwaas oo ah Gorgor iyo Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad, waxaa socda qorshe lagu tababarayo Ciidamada Cirka iyo Kuwa Badda sida xogaha la helayo ay muujinayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

1 hour ago

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…

2 hours ago

Maxaa ka jira in uu wadahadal u socda Maraykanka & Iiraan?

Waxaa dib u billowday dedaallada wadahadallada dadban ee xogtoodu daahsoon tahay una dhaxeeya Maraykanka iyo…

2 hours ago

Maraykanka oo Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 543 duqayn

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqaymo kala duwan tan iyo sannadkii 2001dii iyada oo wadarta…

14 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin oo ku xayirnaa Yemen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin Soomaaliyeed, oo ay ku…

16 hours ago

RW Xamsa oo Turkiga uga mahadceliyay dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dib u…

21 hours ago