Waxaa dib u billowday dedaallada wadahadallada dadban ee xogtoodu daahsoon tahay una dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan si loo soo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee labadaan dal u dhaxaysa oo saamaysay dunida oo dhan.
Qatar iyo Pakistan ayaa wada wada-xaajoodkaan si loo fududeeyo wadahadallada guud ee lagu kala saxiixan karo heshiis dhammaystiran iyada oo wax laga baranayo caqabadihii hore ee guulaha laga gaari waayay sida macluumaadka la helayo lagu sheegay.
Sarkaal katirsan Dowladda Maraykanka ayaa qiray in wadahadalka uu yahay mid lagu gorfaynayo shuruudaha labada dhinac ay kala wataan oo haddii la isku fahmo si toos ah ay isugu hor fadhiisan doonnaan madaxda Dalalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa dhankiisa sii xoojiyay xogahaan sheegaya in uu si hoose u socdo wadahadal isaga oo shaaciyay in qodobadii Tehran ay horay u gudbisay ay yihiin kuwo aan dhinac looga leexan Karin.
“Waxaa la diyaariyay hannaan wadahadal iyo khariirad gaar ah oo muujinaysa mudnaanta Maraakiibta ee Marinka Hormuz, marinka ay ku heshiiyaan Iiraan iyo Cummaan ayaa noqonaya marinka keliya ee la mari doonno, Biyaha Hormuuz ma ahan biyo Caalami ah” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi.
Wadahadallo hore oo dhexmaray Maraykanka & Iiraan ayaa lagu gaaray heshiisyo kala duwan oo markii dambe burburay, labada Dal ayaa loo arkaa in mid weliba uu madaxa ciidda ka ceshanayo si uu dunida inteeda kale u tusiyo awooddiisa Ciidan.
Mustaqbal
Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…
Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…
Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…
Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqaymo kala duwan tan iyo sannadkii 2001dii iyada oo wadarta…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin Soomaaliyeed, oo ay ku…